Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ruushka & Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ruushka & Ukraine

Waxaa maalinkii shanaad oo xiriira ah ka socda dalka Ukrain dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Ukraine iyo Ruushka.

Waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​75% ciidamada Ruushka ee la isugu keenay xudduudaha Ukraine ay hadda ku sugan yihiin gudaha dalka.

Ciidamada ugu badan ayaa hadda ku sugan meel 25 km u jirta caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Askartu weli ma qabsan laba magaalo oo muhiim ah oo ka ah Kharkiv oo ku taal waqooyi-bari iyo Mariupol oo ku taal Koonfurta.

Sida ay horey u sheegeen saraakiisha reer galbeedka, ciidamadu ma sameynayaan horumarkii ay qorsheynayeen sababo la xiriira dhanka saadka iyo iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Ruushka ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla gobolka Kyiv.

Sadex dhismo oo ka kooban shan dabaq ayaa ku burburay weerar gantaalo ah oo dhacay saddex saacadood ka hor, sida lagu sheegay barta Facebook ee wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.