Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

Waxaa wali rasaas goos goos ah laga maqlayaa magaalada Laascaanood oo uu dagaal ku dhexmarayo dadka deegaanka iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaaliland.

Tirada dhimashada la geeyay isbataalka guud ee Laascaanood ayaa ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyay dhan 22 qof.

Waxaa sidoo kale jira isbataalo kale oo si gaar ah loo leeyahay oo dhaawacyo iyo meydad la geeyay.

Labada dhinac ayaa waxaa ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.