Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Hargeysa ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon)  oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sidoo kalena xilal kala duwan soo qabtay iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir, halka tartanka uu ka tanaasulay Cali Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ayaa ah labad shaqsi ee haatan ugu cadcad loolanka doorashada.

Guddoomiyihi Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaq Khaliif ayaa is casilay 11-kii Bishii June ee sanadkaan sababao la xiriira dagaalka Magaalada Laas-Caanood, isaga oo sheegay in dadkii uu metelayay ee Gobolka Sool ay weerar kusoo qaaday Somaliland.

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa hadda ka socota Xarunta Golaha ee Magaalada hargeysa, waxaana ku sugan inta badan Xildhibaannada iyo marti sharaf lagu casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.