Home Afsomali Wararkii ugu danbeeyey ee qasaaraha ka dhashay qaraxa Dagmada hodan ee u...

Wararkii ugu danbeeyey ee qasaaraha ka dhashay qaraxa Dagmada hodan ee u ekeysiiyey tii howlwadaag

Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxa lagu weeraray barqanimadii maanta xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhashay Gaarim laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyen dad Goobjoogayaal ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray shaqaale ka howlgalayay xarunta degmada, Askar ka tirsanaa Ciidamada DFS iyo dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale qaraxan ayaa geystay khasaaro hantiyadeed, iyadoona burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha xarunta degmada Hodan iyo guryo kale oo ka agdhawaa.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ismiidaamin ahaa ay ku qaadeen xarunta degmada Howlwadaag, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.