Home Afsomali Warbaahinta oo inyar oo dhabar ka taabasho ah laga xushay iyo...

Warbaahinta oo inyar oo dhabar ka taabasho ah laga xushay iyo Waqtiga Hadaljeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare Gobolada Waqooy oo la shaaciyay

Waqtiga Hadaljeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare Gobolada Waqooy oo la shaaciyay

Guddiga Hirgelinta doorashada Labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay ku wargeliyeen Musharaxiinta iska diiwaan geliyay tartanka doorashada Aqalka Sare inay maalinta berri oo ah Talaado 28ka September ay Xarunta Afisyooni ka bilaaban doonto khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta.

Qoraal ka soo baxay guddigan ayaa lagu sheegey in hadal jeedintu bilaaban doonto Siddeeda Subaxnimo ayna waajib ku tahay musharaxiinta inay soo xaadiraan. Hadaljeedinta musharaxiinta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa shalay dib loo dhigey iyadoo hore loo qorsheeyay inay dhacdo Isniinta maanta ahayd kala jiidjiidasho xaga duqowda ah aan la shaacin cida ka danbeysay oo aan la shaacin  ayaa dib loogu dhigay

46 ergo ee ka soo jeeda beelaha dega gobolada Waqooyi ayaa dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi,iyadoo musharaxiintuna ay u tartami doonaan illaa 11 kursi oo kamid ah Aqalka sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.