Warbaahinta oo looga yeeray Xafiiska rw iyo liiska golaha w oo la shaacinayo goor dhow hadaanay wax is bedelin
Inta badan Wasiiradda xulan oo ku sugan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku dhawaaqo golihiisa cusub wasiirada oo la isku afgartay tirada ay noqonayaan iyo sidoo kale shaqsiyaadka loo magacaabayo.
Sida aan wararka ku helnay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa xilligan ku sugan inta badan xubnaha kamid noqonaya golaha cusub ee wasiirada, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha xubnahan kala hadlayaa magacaabistooda.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka socda xilligan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda qaban qaabada ku dhawaaqista golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in golaha wasiirada ay ka koobnaan doonaan 25-wasiir iyo 25 wasiir kuxigeen iyo sidoo kale tiro wasiiru dowlayaal, waxaana meesha laga saaray wasaaraddo horey u jiray, iyadoona lagu soo kordhiyay wasaarad cusub.