Home Afsomali Warbixinta waxqabadka, iyo Horumarka Ganacsiga iyo Maalgashiga dalka oo ay soo saartay...

Warbixinta waxqabadka, iyo Horumarka Ganacsiga iyo Maalgashiga dalka oo ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya (DAAWO SAWIRADA)

Warbixinta waxqabadka, iyo Horumarka Ganacsiga iyo Maalgashiga dalka oo ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya

Shirkii Somali/Turkish Business forum oo maanta Magaaladda Istanbul uga furmay Ganacsatada labada wadan oo ka badan 100 shirkadood. Iyagoo kulankii Guud ka dibna Kambaniyadu kiisas iyo kuraas loo diyaariyey miis/miis isula fadhiyaan oo ka wada hadlayaan sidii ay u sameysan lahaayeen Ganacsi iyo maalgashi wadajir ah

Shirkan oo looga hadlayo horumarinta iyo iskashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee Dalkaasi,iyadoo uu shir guddoominayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya shirkado ganacsi oo laga leeyahay wadamada Soomaaliya iyo Turkiga,kuwaasi oo gaaraya ilaa 100 shirkadood oo ganacsi,kuwaasi oo ka wada hadlaya isdhaafsiga aragti ku dhisan Maalgashi iyo fursado kale oo ka bannana labada dal.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya waxaa ku wehliya shirkaasi wafuud ka kala socota Dowlada Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo rugaha ganacsi ee dalka kajira,waxaana la isdhaafsaday argti ku aadan sida la isaka kaashan karo horumarinta ganacsiga ee labada Dal.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii dalka loo gaar siin lahaa horumar ballaaran,iyadoo loo marayo wadiiqooyinka maalgashineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.