Home Afsomali WAREYSI:- Dad isku qoys ah oo ku waxyeeloobay Madaafiic Ciidanka ATMIS ku...

WAREYSI:- Dad isku qoys ah oo ku waxyeeloobay Madaafiic Ciidanka ATMIS ku garaaceen degaanka Bariire

Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS eek u sugan degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ayaa waxaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen xaafado katirsan degaankaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Cali Maxamed Cumar Cali Bariire oo mar so noqday Guddoomiyaha degaanka Bariire ayaa sheegay in qoyskiisa oo ku sugan degaanka Gurigooda uu ku dhacay madaafiicda ay soo tureen Ciidamada ATMIS, isla markaana ay ku dhaawacmeen Wiil uu dhalay, Xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay, kuwaas oo ku sugan degaanka.

Cali Maxamed Cumar Cali Bariireoo Wareysi siiyay Radio Risaala wuxuu sheegay in Wiilkiisa iyo Carruurta uu dhalay ee ku dhaawacmay hoobiyaha ay Ciidamada  ATMIS ku garaaceen degaanka Bariire ay keeneen Isbitaalka Madiine ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay qabaan dhaawacyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.