Wariye diblomacy Shukri Sacid waa gabar soomaaliyeed oo Mudo badan ku noleyd dalka talyaaniga howlo badane ka soo qabatay sida in ay wax ku qorto waregsyka la Repoplic kana hadasho Idaacada radio italiano intaana waxaa u sii dheer howlaha diblomaasiyadeed ee ay dalkeeda Somaliya u heyso
Shukri waxay wax ka jishay filim ay agtaro ka yahiin tranche hiil iyo pudspancer
Shukri ayaa ku dhaliishay dowlada uu garwadeenka ka yahay madaxweynaha mudo xileydkiisii dhamaaday in ay ku mashquulsan tahay arimo siyaasadeed iyada oo aan dhibaatooyinka dalka ka jira waxba ka qaban sida cudurada abaaraha coladaha iyo duruufaha kale ee dhaqaale waxaa ayna xustay in umada soomaliyeed waxay ka sugeysay dowladu in ay u qabato diyaar u aheyn mana aha waxa aan aragno howshii looga fadhiyey
Dowlada faradaalka waxaa looga fadhiyey in ay dalka doorasho qof iyo cod ah gaarsiiso una horseedo waayoo 4 tiisano mar ayaa doorasho dalka ka dhacdaa xili dalku ku jiro geedi socod nabad lagu raadinayo oo aan dariiqii saxda ahaa weli gaarin hey-adihiisii dastuuriga ahaa aysan dhisneyn
Shukri said Dastuurka KMG ah ayey xustay in aan weli afti dad weyne loo qaadin loona codeyn waxaana dalka lagu maamulaa nidaam lagu soo heshiiyey oo KMG ah
Dowlada fadaraalka iyo Madaxweyne Farmaajo waxay balan qaadeen ka hor intii aan mudo xileydkiisu dhamaan in ay dalka gaarsiinayaan doorasho qof iyo cod ah afartii sano ee la soo dhaafay nasiibdarose waxay tahay in ay ku guuldareysatay .
Waxaana laga rabey in ay wax ku dhameyso nidaamka 4.5 oo umadda dib u dhaca u horseeday sida dalku u helo barlamaan madaxweyne iyo dowad cusub oo la soo doortay waxaana ku guuleysanayo qofkii nasiibkiisu siiyo
Waxayna ku cel celisay in dowladu ka gaabisay howshii loo idmaday
Lixdii bilood ee ugu danbeysay ayey xustay in dalku uu ku jiray xaalad midi midi ku tag ah kalsoonidii dowlada lagu qabayna ay hoos u sii dhacaysay
Dowlad Fadaraalka iyo maamulgoboleyda xubnaha ka ah waxaa looga fadhiyaa in ay dalka gaarsiiyaan doorasho iyo isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhaca
Looma dul qaadan karo in mar kale dalka dagaal dhiig ku daato la galiyo
Hadii kale waxay noqoneysaa dowlad aan run aheyn oo la soo dhoo dhoobay ah mid aan loo codeyn cidina soo dooran
Inta la helayo doorasho qof iyo cod ah waa in aan la sameyn tacadiyo dhanka dadka lagu dhibaateynayo si aan umada waqti dhumis kale lagu sameyn