Home Afsomali Wariye yahuudi ah oo booqday Maka & Buurta Carafo

Wariye yahuudi ah oo booqday Maka & Buurta Carafo

Weriye u dhashay Israel oo lagu magacaabo Gli Tamari ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah ku tegay Nawaaxiga magaalladda Barakaysan ee Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga, xilli uu Sharcigu ka mamnuucayo inay dadka aan Muslimka ahayn gudaha u galaan  magaalladdaasi.

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu soo xigtay Warbixin uu Weriyaha Yuhuudiga ee Gli Tamari ku sheegay inuu yahay Saxafigii ugu horeeyey ee Israeli ah ee war ka soo tebiyey Goobaha Barakaysan ee ku yaalla Sacuudiga,  waa sida uu hadalka u dhigay.

Saxafigu waxa uu sheegay inuu koray Buurta Carafaat, iyadoo dhacdadaasi aad looga hadal hayo Baraha Bulshada ku wada xiriiraan.

Gli Tamari waxa uu hoosta ka xariiqay inay Riyadiisu ahayd inuu mar uun booqdo magaalladda Maka Al-Mukarama.

Waxa uu tilmaamay in Shaqsiga uu kula heshiiyey inuu geeyo magaallada Makah aanu ka war haynin inuu isagu ahaa Saxafi Israeli ah.

https://youtu.be/Xm4y6LPSV8U

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.