Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka xukuumadda soomaaliya ayaa kormeer howleyd ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho asigoona u kuur kalaayay xaaladda nololrud ee maxaabiista ku xiran xabsigaas
Gormeerka wasiirka uu ku tagay xabsiga dhexe ayaa waxaa ku wehlinaayay xeer illaaliyaha guud ee qaran iyo taliyaha ciidanka asluubta .
wasiirka ayaa mid mid u dhagaeystay cabashada ay qabaan qaar ka mid ah maxaabiista .
Ka gadaal markii taliyaha ciidanka Asluubta mahad cabdiraxnaan uu qeyladhaan afka furtay isagoo dowlada ku eedeeyey in ay maxaabiis xabsida ku hayaan mudo aan sharcigu baneyn taasi oo qof kasta si gooni ah u arkay
Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay inay la kulmeen maxaabiista xiran, isla-markaana waxa uu beeniyay in ay jirto arrintaasi, isagoo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray taliyaha.balse wuxuu qiray inay jiraan maxaabiista qaar oo dhammeystay xukunkooda, isla-markaana ay maalmo ugu darsantay, arrintaasna ay xallinayaan.
Kormeerka ka dib ayaa wasiirka waxa uu warbixin ka dhageystay Taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Xamar Gen. Daahir Cabdulle Raage
Intaas ka dib ayaa wasiirka wasaardda cadlaaladda iyo arrimaha dastuurka soomaaliya Xasan Maclin Maxamuud uu sheegay in si degdag aha ay cadaalad u heli doonaan maxaabissta ku xiran xabsiga oo qaar kood muddo ay ku xiranyahiin
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay diiwaan-geliyeen tirada maxaabiista ay arrintaas ku dhacday, ayna si deg-deg ah uga howlgeli doonaan bahda garsoorka. iyo maxkamadaha
Dhawaan ayay aheyd markii uu taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed Ganaraal Mahada Cabdiraxmaan uu sheegay in ay jiraan maxaabiis aan maxkamad la horgeyn ay ku jiraan xabsika dhexe ee xamar