Home Afsomali Warsaxaafadeedka Qurbo joogta Puntland ay ka soo saareen dagaalkii Af urur

Warsaxaafadeedka Qurbo joogta Puntland ay ka soo saareen dagaalkii Af urur

Golaha Qurbajoogta Puntland (PDF) waxa ay dhaleeceen dusha ugu tuurayaan Argagixisada nabad-diidka ah weerarka ay ka gaysteen Af-urur, Puntland.
Waxaa Ururka PDF iyagoo ku hadlayna magaca Qurbajoogta Puntland ee Caalamka Daafihiisa kala Joogta ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii Halyeeyada ku nafwaayay ama ku dhaawacmay weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen fariisinta ciidan ee Deegaanka Af-urur, Puntland.
Maaha markii ugu horaysay ee weerar noocaan oo kale ah ay kooxaha argagixisadu ka gaysato deegaamadda Puntland, balse waxay si joogta u wadaan weeraro lagu ciribtirayo Aqoonyahanka, Howl-wadeenadda Dowladda, Culimadda iyo kooxaha Ururradda Bulshada.
Waxaan dowladda iyo shacabka Puntland ugu yeeraynaa inay iska kaashadaan feejignaanta iyo sugidda amniga si looga hortaga duulaanka argagixisada iyo nabadiidku ay maleegayaan si ay u carqaladeeyaan nabadda iyo kala dambaynta ka jirta Puntland.
Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) waxa uu muujinayaa inuu barbar taagan yahay dawladda iyo shacabka Puntland, dhalaycayn tii ugu cuslaydna dusha uga tuurayo kuwa caadaystay daadinta dhiiga Muslimka daahirka ah, kuwaas oo soo abaabulay weeraradda wax loogu dhimayo xasiloonida iyo nolosha ummadda Soomaaliyeed iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka ku dhiiri gelinaynaa inay iska kaashaadaan wada shaqaynta , meel uga soo wada horjeedaan argagaxisada arxan laawayaasha ah.
PDF waxay dhamaan Qurba-joogta iyo Dal-joogtaba ku dhiiri gelinaysaa inay u istaagaan, una gurmadaan maatadii ku waxyeelowday weerarkan iyo qoysaska ay ka tageen halyeeyada u heelan difaaca dalkooda iyo dadkooda ee ku nafwaayay weerarkaan isaga ah.
Puntland Diaspora Forum (PDF) – Media and Public Relations Office –

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.