Home Afsomali Wasaaradda gaashaandhiga oo baareysa sababta loo duqeeyo xarumaha shirkadda Hormuud ee G/Gedo

Wasaaradda gaashaandhiga oo baareysa sababta loo duqeeyo xarumaha shirkadda Hormuud ee G/Gedo

Wasaaradda gaashaandhiga oo baareysa sababta loo duqeeyo xarumaha shirkadda Hormuud ee G/Ged

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobolka Gedo.

Qoraalka wasaaradda Difaaca qaranka ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay sida ay uga xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.

“Dowladda Soomaaliya waxay baaris rasmi ah ku sameyneysaa

dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed, waan mahadsanyihiin saaxiibada Soomaaliya ka caawiya amniga iyo horumarka ay hiigsaneyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.