Home Afsomali Wasaradda maaliyadda oo dacwad ka gudbisay Wasiirka Boostada DF

Wasaradda maaliyadda oo dacwad ka gudbisay Wasiirka Boostada DF

SOMALISAN.NET: Wasaaada maaliyada ayaa u gudbisay Madaxweynaha qaranka dacwad ka dhan ah wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Sheekh Axmed, taasi oo la xiriirta inuu soo celiyo lacag dhan $134,500 oo ka dheeri ah sahay safar oo uu ka qaatay wasaarada maaliyada sanadkii la soo dhaafay.

Ilo ku dhow Wasaarada maaliyada ayaa sheegay in xisaabxirka sanadka 2021ka lagu ogaaday in wadarta guud ee uu wasiirka boostada uu qaatay sanadkii 2021 ay dhameyd $269,000, taasoo uu ka kala qaatay miisaaniyada wasaarada boostada ee sahay safar iyo mashruuca scaleup ee bangiga aduunka.

Wasiirka ayaa lacagaha qaatay isagoo isticmaalaya isla docoumentska safarka sida boarding pass iyo tikidhada, taasoo markii dib loo baaray la ogaaday inay isleeyihiin, oo safar walba uu 2 mar lacagtiisa qaatay, waana dhaqan ka baxsan midka dowlada maadaama halkii safarba laga bixin karo hal qasnad oo kaliya. Balse wasiirka ayaa labada qasnad ka kala qaatay si ay u badato lacagaha ku soo dhacaya jeebkiisa.

Wasaarada maaliyada iyo mashruuca scaleup ee Bankiga aduunka oo iska ay maamusho isla wasaarada ayaa cabasho ka muujiyay in dalabka wasiirka ee sahay safar uu aad u badan yahay, maadaama bishiiba uu soo dalbado ugu yaraan 2 safar oo isugu jira kuwa fogfog iyo kuwa Afrika ah. Wasaarada maaliyada ayaa la yaaban safarada uu soo dalbanayo wasiirka in mararka qaarkood aysan u qalminin Metelaad heer wasiir ah, taas oo keentay in ay aad u badato gunnada safar ee Wasiirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.