Home Afsomali Wasiir Dhambaal u sida Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Wasiir Dhambaal u sida Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi mudane Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku soo gaaray dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa wafdiga ka socday dowladda Burundi si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumadda Soomaaliya.

Kulan hor-dhac ah oo ay yeesheen labada wasiir arrimo dibadeed ayay uga wada hadlen taageerada xagga ammaanka ah ee ina siiyaan iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada ayaa la kulmi doona Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh yagoo la wadaagi doona dhanbaal ay ka sidaan Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.