Home Afsomali Wasiir galaan oo warbaahinta ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin...

Wasiir galaan oo warbaahinta ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin Xabad joojin boosaaso la dhaqan gasha

Wasiirka Amniga ee Puntland Galan oo wariyayaasha kula hadlay Magaalada Boosaso ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Boosaaso iyo wada-hadal ay la gasho garabka kasoo horjeeda ee PSF.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal.

Wasiir Gallan ayaa sheegay in dowladda Puntland diyaar u tahay xabbad-joojin iyo wada-hadal si loo dhammeeyo xiisadda dagaal ee ka aloosan Boosaaso.

Cabdisamad Gallan ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir la soo sameeyeen dad kala duwan oo Isimo iyo culimo ku jirto islamarkaana ka codsadeen in xabbada la joojiyo oo wada-hadal lagu xalliyo is-marin-waaga taagan.

Dhinaca kale wuxu dagaalka ku eedeeyay ciidamada taabacsan Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.