Home Afsomali Wasiir goodax barre oo la dagay waxbarashadii in ka badan 4.4 caruur...

Wasiir goodax barre oo la dagay waxbarashadii in ka badan 4.4 caruur soomaaliyeed ah

Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca bani aadannimada ayaa sheegay in caqabado dhowr ah oo is-biirsaday ay ka hor joogsadeen in ka badan 70% caruurta Soomaalida inay dugsiyada waxbarashada tagaan.

Tiradaas ayaa u dhiganta sadex milyan oo ka mid ah 4.4 milyan oo caruur Soomaaliya ah oo ay waxbarasho la’aan lasoo daristay. Meelo badan oo dalka Soomaaliya kamid ah ayaysan acruurtu waxbarasho helin. Warbixintan ayaa lagu sheegay in dagaalada dalka ka jiray ay saamaysay tacliintii ay caruurtu u baahnaayeen.

Warbixintan oo uu soo saaray Xafiiska Isku Duwidda gargaarka ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa lagu sheegay in caqabadahaas ay ka mid ihiin iskuulo yari, macalimiin la’aan, qalabka wax lagu barto oo aan badneyn, amni xumi, cunto yaraan iyo nadaafad darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.