Home Afsomali Wasiir Goodax oo diiday in dowladu shahaadadeeda aqoonsato hey.ad waxbarasho oo aan...

Wasiir Goodax oo diiday in dowladu shahaadadeeda aqoonsato hey.ad waxbarasho oo aan u hogaasamin manhajka Dowlada

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka.

Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 bare oo loogu tala galay in ay sii tababaraan Macallimiinta Iskuullada ku yaalla dalka oo dhan

Tababarka barayaashan oo socon doona mudo 10 Maalmood ah ayaa waxaa bixin doona aqoonyahanno qibrad dheer  u leh tababarka Macallimiinta Dugsiyada.

Wasiir; Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  la gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran.

Wasiirka ayaa sheegay in Dugsi kasta iyo hay,ad walba Fasallada 1-aad illaa 8-aad ay qasab ku tahay in ay ku shaqeeyaan Manhaj ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.