Home Afsomali Wasiir Kaahin: Nabadgalyada Laascaanood cidna kusii dayn mayno

Wasiir Kaahin: Nabadgalyada Laascaanood cidna kusii dayn mayno

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasinada xuska 29 guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidamada millateriga oo lagu qabtay Laascaanood, ayaa sheegay in anay ogolaanayn cidkasta oo iskudayda in ay dhibaatayso shacabka magaalada.

“Waajibaadka qaran ee ina saarani waxa weeyi in aynu ilaalino nabadgalyada Laascaanood, nabadgalyada Laascaanood cidna kusii dayn mayno doonaysa maatida iyo shacabka in ay dhibaatayso, waynu ka qabanaynaa, waynu ka horjoogsanayna dadka shicibka ahna waxaynu leenahay walaalayaal sabab idin qixisa ma jirto” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Kaahin waxa uu sheegay in garaadada Laascaanood fadhiya ay ka rajaynayaa wixii lagu yaqaanay abayaashood oo ah ka talinta nabada, waxa uu sheegay in ay ogolaadeen in magaalada lagu dhexqaato calanka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase iyo dhibaato.

Sidookale waxa uu sheegay in ciidamada garaadada soo dhawaynayay ay ahaayeen ciidamo deegaanka ah, oo ay ilaalinta salaadiinta u xilsaareen saraakiisha reer Laascaanood ee ciidanka ka tirsan.

Dhinaca kale, shirka garaadada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa ka socda Laascaanood, goobta shirka ayaa lagu sharaxay calamada Soomaaliya iyo Khaatumo, waxaana loo dhagtaagayaa waxa kasoo baxa.

Previous articleKulan su’aalo lagu weydiiyay Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ka dhacay Villa Hargeysa
Next articleIsimada shirku Laascaanood uga socdo oo ka hadlay dhexdhexaadinta madaxweynaha Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.