Ku simaha Wasiirka wasaarada Dekedaha Somaliya Mr Nuur Faarax ayaa xildhibaanada baarlamanka ka codsaday in ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan golaha wasiirada cusub maadaama aan ku jirno colaado iyo abaaro isbiirsaday oo aan waqti kale dib looga dhici Karin xaalada dalku ku jirana ay qiimeeyaan
Wasiir Nuur Faarax ayaa bartiisa internetka fariintiisa bulshada kula wadaagay
Waxaan jeclahay inaan halkan fariin kooban u mariyo guud ahaan siyaasiyiinta soomaalida, gaar ahaana mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka, fariintan oo daaran golaha wasiirada ee uu shalayto ku dhawaaqay Raysal wasaare khayre.
Waxaad moodaa in siyaasiyiinta soomaalidu aanay dareen togan u lahayn xaaladda dhabta ah ee uu dalkooda iyo dadkoodu maanta marayaan, soomaaliya maanta waxay la deristahay xaalado qalafsan oo dhinacyada siyaasadeed, dhaqaale iyo amni. Xaaladahan oo si dhab ah khatar ugu ah jiritaanka iyo madax bannaanida qaran ka soomaaliyeed.
Haddaba dhammaanba siyaasiyiinta dareensan khatarahan aynu waajahayno waxaa la gudboon inay xeeriyaan oo ay ku xisaabtamaan ayaga oo Hal hayskooda iyo hamigooduba yihiin gurmad aan loo kala hadhin in loo galo badbaadinta qaranimada iyo madax bannaanida dalka.
Hadaba haddaan u daadego duluucda fariintayda, waxaan ugu baaqi lahaa guud ahaan siyaasiyiinta iyo gaar ahaan mudanayaasha baarlamaanka inay si weyn oo degdeg ah ay u meel mariyaan golaha xukuumadda ee uu ku dhawaaqay raysal wasaaruhu, Waayo xaaladda dalku marayo ayaan ahayn xaalad caadi ah, xataa haddiiba ay jiraan god-daloolyin iyo nuqsaamo ay leedahay xukuumadani. Waxaadna madaxa ku haysaan in aanay jirin xukuumad aan yeelanayn nuqsaamo iyo xaalka dalka ee aan ka fekerayno.
Xukuumadani waa gurmad aan loo baahnayn in maalin dib loo sii dhigo, shacabkii soomaaliyeed sacad walba waxay u dhimanayaan biyo la,aan iyo gaajo. Sharaf daro iyo masuuliyad darro ayey noqonaysaa in xaaladdan ay ku xisaabtami waayaan siyaasiyiinta iyo wax garadka soomaaliyeed.
Ugu danbayn waxaan fariintan kaga tegayaa in siyaasiyiintu mar uun u damqadaan dadkooda iyo dalkooda, waxaana u arkaa siyaasiga iyo mudanaha maanta ku mashquulsan dano gaar ah sida kuwa shiqsiga, kooxda iyo qabiilka oo taasi ka indho saabtay silica iyo darxumada dadkiisa inuu yahay qof buka amaba si xun jiraan.
Dhaqanka miyiga ama baadiyaha waxa ka mid ah in marka la joogo jiilaalka iyo abaaraha inaan laga wada hadlin xaajooyinka badankooda ayada oo la xeeerinaayo duruufaha taagan ayaa xaajooyinka oo dhan waa loo balamaa ayada lugu xidhaayo marka raxmaad da,o oo abaarta laga baxo, sidaas oo kale maanta inaan xataa wax sixidda iyo toosinta arimaha qaarkood aan u dib dhigano waqtiga aan ka baxno xaaladan hadda taagan.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0