Home Afsomali Wasiir soo jeediyay in la xakameeyo barashada iyo Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo...

Wasiir soo jeediyay in la xakameeyo barashada iyo Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Carro ka dhalatay

Wasiirka waxbarashada dalka Holland ,Dennis Wiersma ayaa wada olole xooggan uu ku doonayo in lagu xakameeyo barashada Qur’aanka kariimka ah ee carruurta muslimiinta ah ee kunool dalkaasi.

Dennis Wiersma , ayaa sheegay inta badan carruurta muslimiinta ah ay dhigtaan dhamaadka isbuuca Qur’aanka Kariimka, waxa uuna ku eedeeyay dadka  Muslimiinta ah takoor iyo ku xadgudubka dastuurka.

Wasiirka waxbarashada Holland Wiersma ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo xakameyn lahaa carruurta la baro  Qur’aanka kariimka ah ee maalmaha fasaxa isbuuca, waxa uuna sheegay wasiirka in aysan dowladda maalgalin waxbarashadaasi muhiimna u arag.

Wiersma ayaa sheegay in  ay ka xun yihiin in wax ka hor imaanaya dimuquraadiyadda lagu baro in ka badan 1,000 carruur ah ugu yaraan 50 xaruumood oo ay maamulaan bulshada Islaamka ah oo ku yaalla dalka  Holland.

Waxa uu cadeeyay daraasad la sameeyay lagu ogaaday in carruurta muslimiinta la baro lagana wacyi galiyo dhaqamada xun xun ee dadka aan muslimka aheyn, taa uu wasiirku u arko in carruurta lagu xagjireenayo.

Ururo Islaami ah ay ku mideesan yihiin masaajida iyo dugsiyada ayaa si weyn uga carrooday hadalka wasiirka waxbarashada Holland, waxa ayna ururudan gudbiyeen dacwad ka dhan ah wasiirka waxbarashada Holland.

Muslimiinta kunool dalka Holland ayaa ku eedeeyay wasiirka waxbarashada Holland inuu ku kicinayo qayb bulshada ka mid ah una gaysanayo bahdil, nacayb iyo takoor ka dhan ah dadka muslimiinta ah .

Previous articleCiidamadda Itoobiya Oo Loo Heysto Xasuuq Ay U Geysteen in ka badan 80 Maxbuus Tigrey Ah.
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay ka go’an tahay dib usoo celinta wadahadaladii Somaliland iyo midnimo qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.