Home Afsomali Wasiir Xasan Macalin oo Daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada

Wasiir Xasan Macalin oo Daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda seddaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.

Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.

Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen.

Dalka Soomaaliya waxaa kuyaalla Nootaayooyin badan oo adeegyo bixiya, waxaana inta badan la sheegaa in ay leeyihiin ayna ka shaqeeyaan dad aan laga qaadin imtixaan aqoon badana u laheyn dhinaca sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.