Home Afsomali Wasiir Xasan Macalin oo la wareegay hoggaaminta howlgalada lagu xureenayo Ceelbuur iyo...

Wasiir Xasan Macalin oo la wareegay hoggaaminta howlgalada lagu xureenayo Ceelbuur iyo Galhareeri

Wasiir Xasan Macalin oo la wareegay hoggaaminta howlgalada lagu xureenayo Ceelbuur iyo Galhareeri

Waxaa dhawwaan la filayaa in si rasmi ah u bilowdo wajiga labaad ee howlgalka la doonayo in lagu xureeyo bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur ,Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagay Dhuusomareeb ayaa hoggaaminaya howlgalka, waxaana ka hoos shaqeenaya xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda deegaannada Al Shabaab laga saarayo.

Howlgaladii hore ee la doonayay in lagu xoreeyo Ceelbuur iyo Galhareeri waxaa hormuud u ahaa Xildhibaano kasoo jeeda beesha Murusade, hasa ahaatee waxaa hadda hoggaaminta howlgalkan la wareegay Wasiir Xasan Macalin oo taageera ka helaya saraakiil ciidan.

Xasan Macalin ayaa shalay kamid noqon lahaa wafdiga madaxweynaha, hasa ahaatee wasiirka ayaa safarka ka baaqday kaddib markii xildhinaannada golaha shacabka ku dhageen.

Sida aan xogta ku helay Xasan Macalin ay wehlinayaan xildhibaan Faa’isa Jeyte iyo Cadar Shalaqbeyn ayaa isbuucan gaaraya Dhuusomareeb, waxaana xildhibaannadan safarka ku quruxsanaya wasiir Xasan Macalin ay isku dhaceen xildhibaannada kale ee beesha Murusade.

Madaxweyne Xasan oo kahor inta uusan shalay Muqdisho ka safrin la kulmay xildhibaannada Murusade qaarkood ayaa u sheegay in howlgalka lagu xureenayo Ceelbuur iyo Galhareeri looga dambeeyo wasiir Xasan Macalin, arrinkan ayaana ka carreesiisay xildhibaannada qaar oo ka baaqsaday in ay tagaan Dhuusomareeb.

Haddaba Xasan Macalin maku guuleesan doonaa howlgalka lagu xureenayo Ceelbuur iyo Galhareeri ?

Nala wadaag aragtidaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.