Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliya General Muqtar Xuseen Afrax ayaa sheegay in aaney Xukuumada Soomaaliya ka warqabin Ciidamada la geeyay Baladweyne go,aana laga soo saari doono.
Wax garadka Beesha xawaadle gaar ahaan Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa goor dhawayd saxafada la hadlay, waxayna ka hadleen xaalada Gobolka Hiiraan.iyo Ciidamadii saakay la geeyay magaalada B/weyne..
Siyasiyiinta kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore ee waxbarashada Taliyihii hore ee NISSA Sanbaloolshe iyo siyaasiyiin kale ayaa hadda shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in ay kasoo horjeedaan ciidamada dowladda ee la geeyay magaalada Baledweyne.
sidoo kale waxay sheegeen in ay arrintaasi tahay arrin siyaasaddee oo looga gool leeyahay in la boobo kuraasta halkaas taalla ee lagu dooran doono.