Home Afsomali Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Britain Boris Johnson ayaa socdaal lama...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Britain Boris Johnson ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, kaasoo safar aan horay loosii shaacin ku yimi Caasimadda.

Masuuliyiintu waxay ka hadleen arrimo baddan oo ugu horayso xoojinta xiriirka labada dal, abaaraha iyo shirka London.

Boris Johnson wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Soomaaliya gaar ahaan madaxtooyadda sidoo kale wuxuu sheegay dowladiisa iney garab taagan tahay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay labada dal inuu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer isla markasna uu ku faraxsan yahay booqashadiisa taariikhi ah.

Socdaal Mr Johnson ee Muqdisho ayaa la xiriira arrimo dhowr ah oo ku saabsan taageerida Somalia, gar gaarka sama falka iyo shirka London ee looga hadlayo arrimaha Somalia ee bisha May dhici doona.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu kula kulmo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Britain ayaa ka mid ah dowladaha safaaradooda dib uga furay Muqdisho, iyadoo safiir u soo magacaabay.

Afartii sanno ee dambeeyay Xoghayayaashii Arrimaha Dibadda Britain ayaa socdaalo xiriir ah ku imaanayay magaalada Muqdisho, waxaana Britain ay xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya.

 

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.