Wafti ay hoggaminayso Wasiirka Bey’ada iyo isbeddelka Cimilada Marwo Khadiijo Maxamed Makhzuumi oo ay xubno ka yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka socda ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka Hobyo, si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladaha deegaan ee ay sababtay isbeddelka cimiladu.
Wasiir Makhzuumi ayaa kormeertay xaafadaha uu sida ba’an u saameeyay bacaadka oo halis ku haya jiritaanka magaalada, iyada oo si dhow u xogwareysatay dadka ku nool xaafadaha uu bacaadku ku siqayo, una kuurgashay sida uu noloshooda u saameeyay.
Sidoo kale, wasiiradda ayaa tagtay guryo gebi ahaanba aasmay oo dadkii degganaa ay barakacayaal ku dhex yihiin magaalada. “Guri 5 qol ah oo deyr weyn leh ayaan halkan ku lahaa, maantana waxaa ka muuqda saqafka oo keliya” ayuu Abshir u sheegay waftiga isaga oo dul taagan haraaga jiinqado yar yar oo ay carradu duuqtay.
“Dhibaatada deegaan ee Hobyo ka taagan waa ka weyn tahay awoodda dadka deegaanka oo keliya, annaga oo garabsanayna qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibbada caalamka waxaan darsaynaa sida ugu habboon ee loo joojin karo carrada ku soo durgaysa magaalada”. Ayey tiri Wasiir Makhzuumi.
“Xal u helidda muskiladaan waa laba qeyb oo midi degdeg tahay oo aan sugi karin kaalmo aan dibedda ka helno, waana in bacaadka dib loo celiyaa, midda labaad na waa inaan helnaa qorshe muddo fog oo deegaanka dhir kala duwan loogu beerayo, labadana waxaan iska kaashan doonaan dadka deegaanka” ayey sii raacisay.
Wasiirka ayaa booqatay xarumaha adeegyada bulsahda deegaanka sida xarun caafimaad oo dhowaad loo dhisay degmada balse cabsi laga qabo in carradu aasto darteed aan weli la qalabayn, taas oo wiiqday dadaalkii lagu bixiyay in Hobyo yeeltato isbitaal weyn oo uu deegaanku baahi badan u qabo.
Booqshada wasiirka ayaa qeyb ka ah socdaal ay ku marayso deegaananda ay isbeddelka cimiladu saameysay ee gobollada dalka, si loo darso xaddiga dhibaatada, isla markaana qorshaha wasaaradda loogu dul dhiso talooyinka waxgaradka, haweenka, dhalllinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
https://youtu.be/LUFg4eO4_jQ