Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska.
Weligay mowqifka aan ka qabo dowladnimo uma beddelin dan shaqsi, mid qabiil maantana mid qoys uma beddelayo. Ma ahi mucaarad, guulwadena ma ahi!
Mar haddii qoyska Farmaajo ay kala ra’yi yihiin, qoyska reer Hoosow-na fahma in ay kala ra’yi noqon karaan!
Maanta walaalahay waa qof walba oo ka dhiidhiyay dulmiga ka socda Baydhabo.
Waxaa walaalo nahay inta dowlnimada u hiilinaysa:
1- Qofka u hiilliya dastuurka dalka, kala madax bannaanida awoodaha laammaha dowladda, una hiiliya sareynta sharciga.
2-Qofka soo daaya muwaaddinka la soo afduubay asagoo musharax ah, maxkamadna aan xukumin, una oggolaada in uu sanduuq furan ku tartamo.
3- Qofka 400-ka qof ee xabsiga Baydhabo ku jira soo daaya, kana jawaaba dalabkooda.
4- Qofka la xisaabtama ragga dilay xildhibaan Cabdishakuur Buulle.
5- Qofka ka shaqeeya doorasho xur iyo xalaal ah oo aan afduub ahayn in ay Baydhabo ka dhacdo, iyo maamulada kaleba.