Home Afsomali Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Daah-furay Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeralayda...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Daah-furay Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeralayda ee Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Daah-furay Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeralayda ee Muqdisho
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cali Maxamed Sh. Bagadi, ayaa maanta furay shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha ee Soomaaliya oo loogga hadlay siddii Ganacsatada iyo Beeralaydu ba ay iskaashi uga sameyn lahaayeen horumarinta ganacsiga beeraha, xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo siddii suuqyo ganacsi oo gudeed iyo dibaddeed ba looggu heli lahaa wax-soo-saarka wadanka.
Shirkan oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Md. Nuur Yusuuf Nuur, Agaasimeyaasha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba sidoo kale Agaasimeyaasha Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sakaariil ka socotay hay’adda DRC, Ganacsato, Beeralay iyo marti-sharaf kale oo qiima badan.
Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha Soomaaliya oo qeyb ka ah dhiiri-gelinta Mashruuca Xal Waara, ayaa ay iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay’adda DRC iyada oo sidoo kale na ay maal-gelinayso hay’adda DANIDA halka sidoo kale na qaban-qaabada shirka ay qeyb ka ahayd Wasaaradda Beerabaha iyo Waraabka ee XFS, ayaa ujeedka shirku wuxu daaran yahay siddii meel la iskugu keeni lahaa qeybaha kala duwan ee uu khuseeyo Ganacsiga Beerahu si loo abuuro madal ay ku bahoobaan oo ka shaqeysa horumarkooda iyo wax-ka-qabashada caqabadaha jira.
Wasiir ku xigeenka Wasaradda Ganacisga iyo Warshadaha XFS oo halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay inay ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay siddii ay u joogtayn lahaayeen qabashada Madashan si loo gaadho ujeedooyinka laga lee yahay siddoo kale na loo horumariyo guud ahaan dhaqaalaha wadanka iyada oo la la kaashanayo Ganacsatada gaar ahaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Wasiirku, wuxu sidoo kale xusay in barnaamijkani yahay mid ahmiyad weyn u leh horumarka Ganacsiga, Shaqo-abuurka iyo guud ahaan dhaqaalaha, waxaana uu xusay in dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay diyaar u tahay horumarinta waxyaabaha suurto-gelinaya inuu horumaro Ganacsiga Beerlayda sida Xeerarka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in ganacsatada lagu dhiiri-geliyo inay maal-gashadaan si loo dar-dar-geliyo horumarka suuqa Ganacsiga Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wuxu Wasiirku halkaas ka sheegay inay dhiiri-gelin doonaan siddii Ganacsatada Beerlaydu iskugu xidhmi lahayd si wax-soo-saarkoodu uu si fudud ugu gaadho suuqyada wadanka iyo kuwa caalamka ba. Wuxu xusay inay kor-u-qaadi doonaan xogaha la xidhiidha ganacsiga, bandhig ganacsiyeedyada, is-dhex-galka ganacsiga iyo wada-jirka beeralayda.

=DHAMMAAD=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.