Home Afsomali Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo ka hadlay Fatahaada Wabiga..

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo ka hadlay Fatahaada Wabiga..

Somalisan.net: Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Caymow oo ku sugan magaalada Jowhar ee Gobolka SHabeelaha Dhexe ayaa booqasho ku tagay meelaha uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeele iyo dhibaatada uu dadka u geystay.
Wuxuu sheegay Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda in dhibaato badan uu u geystay Wabiga Dalaga iyo sidoo kale Guryaha qaar ee ay leeyihiin shacabka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya uu horgeyn doono si wax looga qabto dhibaatada uu geysanayo Wabiga Shabeele.
Wabiga Shabeele ayaa inta badan waxa uu fatahaad ka geystaa Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana shacabka halkaasi ku dhaqan ay ku baaqeen in wax laga qabto fatahaada uu geysanayo Wabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.