Home Afsomali Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar “Waa in la xaqiijiyaa qoondada Haweenka”

Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar “Waa in la xaqiijiyaa qoondada Haweenka”

Somalisan.net: Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu la kulmay Qaar ka mid Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay ku heli lhaayeen Haweenka Qoondada ay ku leeyihiin Dowladda cusub.

Wasiirka Haweenka Xukuumada Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in muhiim ay tahay Haweenka in ay helaan Qoondada ay ku leeyihiin Dowladda soo socota, si ay u soo bandhigaan waxqabadkooda.

Waxa ay sheegtay Go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan Qoondada Haweenka in lagu go’aamin doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Bisha September ka furmi doona magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay heli doonaan Qoondada ay ku leeyhiin Dowladda cusub, hadii mida ay dhici weydana ay heli doonaan meel u dhow Qoondadooda ah Boqolkiiba Soddon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.