Somalisan.net: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane, Bashiir Ciise Cali si wax looga weydiiyo sida ay ku dhacday in Bankiga Dhexe laga xado lacag gaareysa $ 530,000, Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in lacag cadadaas dhan in Bankiga laga xado.
Wuxuu sheegay in dhowaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe uu hor imaan doono Xildhibaanada Baarlamaanka si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.
Siyaasiyiinta qaar ayaa horey u soo jeediyay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay xil ka qaadis ku sameyso Gudoomiyaha Bankiga Dhexe iyo dadka ka hoos shaqeeya.
Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe ay ka maqan tahay lacag dhan $ 530,000, taasina uu ku eedeeyay in uu la baxay Qasnajiga Bankiga.