Home Afsomali Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Dalka Senegal Kula Kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Dalka Senegal Kula Kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dakar ee dalka Senegal kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw. Wasiirka ayaa u sheegay Bangiga in Soomaaliya marka deymaha laga cafiyo ay mashaariic badan u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.