Home Afsomali Puntland oo War kasoo saartay dil loo geystay Oday 60 sano jir...

Puntland oo War kasoo saartay dil loo geystay Oday 60 sano jir ah & Wiilkiisa

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali oo ay Wehlinayeen Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Duqa Degmada Bursaalax iyo mas’uuliyiin kale ayaa safar deg deg ah ku tegay Magaalada Bursaalax, halkaas oo la keenay meydadka Wiil iyo Aabihiis oo la dilay.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan la qaatay dhamaan Bulshada Gobolka Mudug, Eheladii, Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka baxeen, Marxuum Caaqil Cabdi Hodan Axmed Xaashi (Haaf Cagole) iyo Wiilkiisa Axmed Cabdi Hodan Axmed oo maalmo ka hor Dil loogu gaystay Deegaanka Dameer joog Degmada Bookh ee Gobolka Doollo hal kaasoo  kadibna Maydka Marxuumiinta gacan ku dhiiglayaashu ay keeneen Magaalada Bursaalax.

Guddoomiyaha Gobolka Faysal Sheekh Cali ayaa ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglayaashii falkaa foosha xun gaystay, isagoona sheegay in ay laamaha Amniga heer Gobol ay wadaan Baaritaano Xoogleh, kiis kaasina Baaritaankiisa uu Gacantooda kujiro.

Dilkan loo geystay Oday iyo Wiilkiisa ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer degano katirsan gobolka Mudug ay ka dhaceen dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo qaarkood xal laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.