Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.
Dr, Bayle ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka dhinaca maamulka maaliyadda ah ee ay samaysay Dawladda Soomaaliya, waxaana uu kula dardaarmay inay ka qaybqaataan dib u soo kabashada Dalka.