WASIIRKA WASAARADDA GAASHAANDHIGGA DFS OO U XIRAY SHAQAALAHA WASAARADDA TABARBAR TAYAYN EE U SOCDAY 5 MAALMOOD.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS, Garyaqaan Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta shaqaalaha wasaaradda u xiray tababar muddo shan maalmood u socday ee ku saabsanaa sare u qaadidda xirfadda hoggaamineed iyo wada-shaqeyn ee waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa (GMLDM), Garyaqaan Maxamed Xuseen Xaamud, Madaxa Baarista Dembiyada ee GMLDM, Cabdullaahi Sheekh Abuukar, Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samantar “Gacaliye, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Cali Aadan Xasan, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababaradda, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed “Cunsheeye”.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Garyaqaan Maxamed Xuseen Xaamud ayaa ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaadhigga sida ay u horumarinayaan shaqaalaha, waxuu sheegay in arrintan ay qayb ka tahay yareynta musuqmaasuqa.
Muddadii tababarkan socday waxaa uga faa’idaystay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, iyadoo kor loo qaaday, laguna horumariyay waxqabadka shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.