Home Afsomali Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo la wareegtay Hanti uu hayey muwadin Somaliyeed oo...

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo la wareegtay Hanti uu hayey muwadin Somaliyeed oo horay uga tirsanaa Shaqaalaha Wasaarad kadibna dib ugu soo celeyey Wasaaradii uu ka tirsanaa.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo la wareegtay Hanti uu hayey muwadin Somaliyeed oo horay uga tirsanaa Shaqaalaha Wasaarad kadibna dib ugu soo celeyey Wasaaradii uu ka tirsanaa.

“Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Federal Somalia Xildhibaan Fardawso Cisman Cigaal, ayaa kadib Munaasabad kooban kala Wareegtay Muwaadin muujiyey Geesinimo ku dayasho mudan taasoo ah hanti ay lahayd wasaaradu Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye, oo markii ay dhacaysay Dowladii Dhexe ee Dalka waxaa Gacantiisa ku jiray Gaari kuwa Xamuulka qaada ah, Waxa uuna ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, mudo ka dib burburkii Wadanka wuxuu ku iibiyay Gaarigii Lacag dhan 12,500 oo dollar maadaama aysan jirin xiligaas dowlad uu ku wareejiyo.

Munaasabad Waxa joogay Hanti dhawraha guud ee Qaranka Mudane Axmed ciise guutaale iyo Masuuliyiin ka socday Bangiga Dhexe ee dalk

Cabdiraxman Wuxuu ka mid noqday dadkii ka baxay waddanka intii ay socdeen dagaaladii sokeeye isaga oo u guuray waddanka Ingiriiska.

Dhowaan ayuu soo laabtay wuxuuna go’aansaday lacagtii gaariga lagu iibiyay inuu ku celiyo dowladda maadaama ay tahay Hanti Qaran.
Lacagtan ayaa si toosa loogu shubay Bangiga dhexe ee Dawlada.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Mohamed  abdi osman Faradheere Madaxa Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.