Home Afsomali Wasiirkii gaashaan dhiga Somaliland oo isku casilay heshiis beenaadka Muuse Biixi

Wasiirkii gaashaan dhiga Somaliland oo isku casilay heshiis beenaadka Muuse Biixi

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu kala dooday arrintaan, isla markaana ay isku fahmi waayeen oo ku soo kala tageen maanta, wuxuu intaas ku sii daray, in Muuse Biixi uu qabyaaladeeyey arrinta.

“Madaxweynaha markii aan doodnay waa qabyaaladeeyey arrinta. Wuxuu yiri Saylac iyo Lughaya ayey degtaa beeshaada Ciisaha, laakiin soohdintaan soke ee beeluhu deriska ka yihiin ayaan Itoobiya ka siineynaa dhulka, aniguna waxaan ku iri dhamaan dhulka Soomaaliyeed waa isugu key mid in Xabashi la siinaya ma ogolaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirkii Difaaca Somaliland ee is-casilay.

Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo Boorama ay ugu horeyso, iyada oo shacabku ku qeylonayeen “Baddeenu iib ma aha.”

Sida oo kale Mid kamid ah Banaan-baxayaasha magaaladda Boorame cod dheer ku yiri” Soomaaliya waa 18 Gobol, waxaan ka mideysanahay nin Addis Ababa tagay inuusan baddeenna iibin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.