Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo todobaadyo lagu la’aan nolal iyo Geeri ayaa la shaaciyay in nolal lagu helay, kadib markii lagu waayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan oo ah Wasiirka amniga Jubbaland oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan uu dib u helay xorriyadiisa, isla markaana xalay uu yimid hoygiisa Nairobi .
Wasiir hore Janan iyo qoyskiisa ayaan weli ka hadal xarigiisa, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ka hadlaan falka lagu xiray Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland oo haatan ku sugan hoyga uu ka dagan yahay Nairobi.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in in la dilay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, taasoo walaac weyn ku dhalisay ehedala iyo Xildibannada kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.