Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay qorsheenayay in ay tagaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug, si ay u dhax dhaxaadiyaan labada dhinac ee isku haya maamulkaasi.
Sida aan Wararka ku helnay Wasiiradan iyo Xildhibaanada dowlada Federaalka katirsan ayaa u badan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxa ayna taageersan yihiin Garabka Xaaf mucaaradsan.
Xubnahan dowlada Federaalka katirsan ayaa saakay markii ay tageen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde lagu wargaliyay in la joojiyay duulimaadyadii ka tagi jiray magaalada Muqdisho ee aadayay deegaanada Galudug.
Waxaana Masuuliyiintan katirsan dowlada Fedrraalka Soomaaliya soo wajahay culees aysan fileyn, waxa ayna hada ku sugan yihiin garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyaga oo ka arinsanaya qaabkii ay Cadaado ku tagi lahaayeen .
Waxaa suurto gal ah in Xubnahan oo ah kuwa miisaan culus in ay qaataan go’aan adag oo ku aadan in ay tagaan magaalada Cadaado, waxaana laga yaabaa in ay ka degaan magaalada Dhuuso Mareeb ama magaalada Caabud Waaq ugana sii gudbaan Cadaado.
Mid kamid ah Wafdigan dowlada ee ku wajahnaa magaalada Cadaado ayaa noo sheegay in sidoo kale suurto gal tahay in safarkooda maanta uu baaqdo ayna raadiyaan qaab kale ay ku tagaan magaalada Cadaado ay hada joogaan Xildhibaano kale ay iska soo horjeedaan.
Wasiirada iyo Xildhibaanada saakay doonayay in ay tagaan Cadaado waxaa horboodaya Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, waxaana qeyb ka ah Xildhibaan Cabdi Axmed Dhegdheer, Xildhibaan Yuusuf Dhagey ,Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal iyo Xildhibaano kale.
Magaalada Cadaado waxaa shalay gaaray Xildhibanao kale oo katirsan labada Aqal ee dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaa oo siyaasad ahaan la safan Madaxweyne Xaaf, waxaana la rumeesan yahay in iyagu ka dambeeyeen in xubnahan kale ee dowlada laga hor ustaago Cadaado.
Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Cadaado ayaa hada mareysa meel aad u xun, Madaxweynaha lagu dhagan yahay ee Xaaf ayaana soo saaraya amaro tiro badan si uu kursigiisa u difaacdo, waxa uuna garab ka helayaa Xildhibaano danley ah oo dowlada federaalka mucaardasan.