Dawladda Jabuuti oo igu Casuuntay soo Bandhigida Kaltirsi ay leedahy Soomaalida
Kaltirsi {Kalandar} cusub oo ay yeelanayso Soomaalida ayaa 7/2/2021 waxaa lagu soo bandhigay Jaamacadda Jabuuti.
Kaltirsigaasi ayaa magacyada Ayaamihiisa, Billahiisa iyo Bar bilowga sannadkiisa waxa ay yihiin Af Soomaali, nasiib wanaag waxaa la igu sharfay in aan soo bandhigo
#War_Murtiyeedkii laga soo saarey gaba-gabada dood cilmiyeedkii looga hadlayay kaltirsigaasi.
Haddii aan idinla wadaago magacyada Ayaamaha kaltirsigaasi oo af Soomaali ah ayaa waxa ay noqonayaan sidatan:-
1-Axad ………….(Cadceeda)
2-Isniin …………(Hoobala)
3-Talaado ……..(Woobleey)
4-Arbaco ……,,,(Dhabbara)
5-Khamiis…..,,,(Dabeyleey)
6-Jimco …….:::.(Dusa)
7-Sabti …………(Diimaley)
Magacyada Billaha 12-ka Bilood ee sannadkana waxaa loo qaatay sidatan:-
1-Janaayo ……….. (Dharabley)
2-Febraayo ……….(Cirir)
3-Maarso…………..(Cuur)
4-Abriil …….,,.,,…..(Duugato)
5-Maajo…….,………(Miicaad)
6-Juun …… ………..(Agaali)
7-Luulyo…………….(Afagaal)
8-Agoosto………….(Naaf)
9-Sebtembar……..(Kodxin)
10-Oktoobar……….(Dirir)
11-November………(Gudba)
12-Disembar……….(Xoorrey)
Bar bilowga Kaltirsigaasi Soomaalida ayaa la isku waafaqay inuu noqdo xilliga #Xagaaga oo ku beegan ama waafaqsan Bisha Naaf oo noqonaysa 7 Agoosto, Iyada oo habeenkaasi loo aqoonsanayo inuu yahay habeenka uu dhalanayo sannadka cusub ee Soomaalida oo loö yaqaanno #Dabshidka ama #Nayruuska!
Sidoo kale, waxaa la isla qaatey in sannadka Soomaalidu ay xisaabsato laga dhigo 6220, taasi oo lagu saleeyay tirsigii ay soo taxneyd hab xisaabeedka Boqoraddii ka talin jirey Dhulka Soomaalida!
#Barasho_Wanaagsan!