Ceebta Villa Soomaaliya Kasoo Socota Yaa Caymin Doona? Maqaal Xambaarsan Xog Kaa Qarsoon oo sir badan daboolka uga qaaday dadka Soomaalida. By Danjire Maxamed Caalim
Farmaajo iyo Khayre oo laga cabsi qabo inay Soomaaliya ka dhigaan Kongadii labaad ee africa.
Dad Badan ayaa Mooda waxaan Ka hadlo in aaney xaqiiq ahayn. Waxaan idiin sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo uu fikir ahaan aad u fogaadey sida TV aljazeer ugu Fogaaday hogaanka sacuudiga oo kale.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu aaminsan yahay in Maxkamad la soo saaro dhamaan madaxdii Dowlad Gobaleedka ee ku shirtay Magaalada Garoowe.
Qodobadii kasoo baxay wuxuu u arkaa khiyaano Qaran, wuxuu Guddoomiyaha Madaxkamada sare ku amray inuu soo saaro Warqad hogaamiyaasha Goroowe ku shiray Sheegaysa inay Sameeyeen Danbi ah bur burinta Dawlada Faderaalka Xaalku halkaa ayuu marayaa.
Dawladaha shisheeye ee soomaaliya ku sugan sidee khilaafka u arkaan?
Halka Dawladah Itoobiya, Eritrea Iyo Sudanta waqooyi ay Taageero wayn uhayaan Madaxda Villa Somalia ee Madaxweyne Farmaajo Hogaamiyo.
Siyaasada Waqtigan ee Soomaaliya waa Kongadii labaad ee africa. waxaa socda Tartan ka dhaxeeya dawlado badan oo shisheeye. Tartanka oo aan Qarsooneyn.
Xaalada Waqtigaan waa Dagaal ma hurto waxaa lagu dhex dagaalmi dhamaan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Baydhabo. Kismaayo.
Dagaalka waxaa lagu gali lacag shisheeye bixiyey waxa lagu dagaalami maaha Wax dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa cadaatey in dadka Soomaaliyeed 30 sano oo colaada waxba ka baran waa hada iyo colad cusub oo ah shisheeyahayga ayaa kaaga ka wanaagsen iyo anigaa kaa saxsan ee qasab igu maqal, anigu musuq maasuq waan samayn karaa, adiga masamayn kartid, aniga musharax waa taageeri karaa adiga ma taageeri kartid,
Angigu warbaahinta waa kugu eedeen karaa karaa adigu iguma ee deeyn kartid.
Waxaan Falanqeyn tayda ku soo Gaba-gabeeyey.
Hadaba Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee aan idinla Wadaagay ee ah inuu Doonayo in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu soo Saaro Waraaq uu ku Eedeeynayo Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dumin Qaran, waxaa Bar bar socda Waraaqo loo diray Beesha Caalamka oo lagu Hor Istaagayo inay soo Fara-geliyaan Arrimaha Siyaasadeed ee Hadda Taagan.
Arrimahan oo dhan waxaa ay la mid yihiin Kuwii horey u dhacay ee ahaa Weerarada iyo Dhiibista, ee lagula kacay Siyaasi C/rixmaan C/shakuur Warsame oo ahaa Siyaasi aan Hubeysnayn oo Fikir ahaan kasoo Hor-jeeday, Dhaliilana u Jeediyay Hab-dhaqanka Mdaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre.
Waxaa ka loo jiray in Senoter Cabdi Qeyb-diid oo illaa hadda aan la Ogeyn waxa lagu weeraray siyaasada ka danbaysay.
Dhiibistii C/kariim Qalbi-dhagax ee Dowladda Itoobiya. oo wali dawladu khaladkaa dhacay aysan ka raali galin muwaadinkaa la dhibaateeyey.
Waxaa kaloo mar la isku dayey in xildhibaano xasaanada si sharciga ka fog looga qaado oo qaar la magacaabo. Waxaa jira in Shirkada badan oo ajanabiya lacag badan lagu siiyey inay la socdaan dhamaan isgaarsiinta ay Isticmaalaan dadka si gaar ah kooxda villa soomaaliya rabto inay wax ka ogaato mucaarad nimadooda iyo dhaqdhaqaadood siyaasadeed ee muqdisho jooga.
#Private Companies Are Helping African Governments Spy on Their Own People# Waa dhaqan tada ka jira Qaarada africa oo dhan.
Soomaalidu Waxaa ay ku Maah-maahdaa “Kor Waayeel waa wada Indho”, caqliga Madaxwene Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre waqtigan la joogo siyaasada ay aaminsan yihiin ma aha mid maslaxd u ah degenaashaha soomaaliya.
Waxaan filanaa waa Waraaq uu soo Saaro Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo uu ku Leeyahay waxaan beesha caalamka ka codsanayaa Gaar ahaan Golaha amaanka, AU, EU, IGAD, in Madaxda Dowlad Gobaleedyada loo aqoonsado kuwa dhibaato ku ah Daganaashaha Soomaaliya ee waa in safarada laga joojiyaa oo dagaal ooge loo aqoonsadaa.
Fikirkaan waa Caqliga kooxda villa somalia xukunta oo aan dib uraacin waxa Soomaaliya hore u soo maray.
Waa in xaqiiqda la cabirikaraa hogaanka hal mar khaldama way adag tahay inuu hal mar isa saxo isagoo cadayn wixii khaladkii hore ku qasbay?
Waxaa diyaariyey Aqoonyahan Soomaaliyeed kana faallooda siyaasadda geeska Afrika, tan Soomaaliya iyo reer Galbeed, mudda 30 sano ahna ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya.