Home Afsomali Kenya oo sheegtay in ay Alshabaab kala noqdeen dhalinyaro ay tababaranayeen dibna...

Kenya oo sheegtay in ay Alshabaab kala noqdeen dhalinyaro ay tababaranayeen dibna ula midoobey qoysaskoodii

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay kasoo furatay dhalinyaro ay qafaasheen.

Kenya ayaa sheegtay in 13-kaasi dhalinyaro ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubadda Hoose.

Kenya ayaa tilmaantay in dhalinyaradaasi ay kusoo furteen dagaal saacado qaatay oo ay la galeen maleeshiyaadka al-Shabaab, iyagoo garabsanaayay ciidamada Jubbaland.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay la soo xariireen waalidiinta dhalinyaradaasi la soo furtay ka hor inta aysan qaadin dagaalka.

Waalidiinta dhalay dhalinyarada ayuu Afhayeenku sheegay inay bixiyeen macluumaadka ugu badan ee lagu howlgalay, sidaana ay ugu sahlanaatay.

Afhayeenka ayaa yiri ‘’Dhalinyaradan waxay ka soo galeen degaanka Kayunga, iyaga oo isticmaalayay Doomo, hami dhaqaalana markii hore la galiyay, kadibna waxaa ku adkaatay tababaro culus ee Shabaab ay siinayeen’’

Laamaha amaanka Kenya ayaa dhalinyarada Kenyaanka ee ka midka ah Al-shabaab u balanqaaday in aan la dhibaateyn doonin hadii ay ka soo baxaan Al-shabaab, xili ay tilmaamen in dhalinyaro Kenyaan oo badan ay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa daboolka ka qaaday in weeraro khaas ah ay kusoo furan doonto dhalinyaro kale oo gacanta ugu jira al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.