Home Afsomali Waxaa soo baxayo in 21 kii qof ee ay puntland toogashada ku...

Waxaa soo baxayo in 21 kii qof ee ay puntland toogashada ku fulisay uu jiray nin si qad ah loogu daray lana toogtay

Durbaba Waxaa Soo If Baxay Dil Xaqdaro Ah Kaa Soo Ka Mid Ahaay Xasuuq Wadareedkii Aay M.Goballeedka PL Aay Geeysteen

Maxaad kala socotaa xogta dadkii  lagu toogtay magaalada gaalkacyo punland??

Maxamed xaashi muumin oo ah ninka falaartu saarantahay waxa uu kasoo jeedaa magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Waa nin Hawiye ah oo xawaadle ah waxa uu watay oo uu lahaa gaariga somalidu utaqaano dheynada.

Waxa uu beledweyne iyo gaalkacyo uga shaqeysan jiray qudaarta kala duwan taas oo uu beledweyne kasoo safrin jiray gaalkacyana geyn jiray.

Waxaa lagu xiray saldhiga gaalkacyo punland isaga iyo gaarigiisii oo qudaar sida waxaa qudaartii isticmaalay oo kala qaatay dhammaanteed ciidanka saldhiga.

Waxa uu xirnaa mudo 4 maalin ah kadib waxaa lagu dhahay iska bax oo gaarigaaga wado.

Waxa uu ku dooday in la siiyo qudaartii ama lacagta qudaarta oo illaa beledweyna soo siday.

Muran badan kadib maxamed waxaa la go,aansaday in danbi uusan laheyn dusha laga saaro dhiigiisa iyo gaarigiisana la xalaaleysto sidii horay loo xalaaleystay qudaariisii.

Gaarigii maxamed waxa uu yaalaa saldhiga gaalkacyo punland waxaana qamriga laga keeno itoobiya xiligaan looga soo dal dalaa duleedka galdoqob oo ah kala roga badeecada ka timaad itoobiya iyo mida loo dhoofinayo.

Ugu danbeyn maxamed maanta ayaa dil sharci darro iyo dulmi ah lagu fulshay.

Fadlan maxamed cadaalad ayuu rabaa #share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.