Home Afsomali Waxyeelada Fatahaad Webiga shabeelle uu ka geystay gobolka Sh/ Hoose

Waxyeelada Fatahaad Webiga shabeelle uu ka geystay gobolka Sh/ Hoose

Xaafado ka tirsan degaanka Jannaale ee gobolka shabeelada Hoose ayaa waxaa saameeyn xooggan ku yeeshay Daadadka Roobka dertya ee ka day iyo Fatyahaada webiga shabeelle uu ka geystay degaankaas

Gudoomiyaha  degaanka Janaale Cabdiraxmaan Cabdi Nuur Alcadaala ayaa sheegay in Dada ku nool degaanka Jannaale iyo Degaanada kale ee ka agdhow ay saameeyn xoogan ku yeelatay Fatahaada Webiga shabeelle iyo Roobka ka day’ay degaankaas.

Dhinaca kale Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya isalamarkaana booqday degaanka Janaale ee gobolka shabeelada Hoose  ayaa u kuur galay xaalada qoyasaska ku dhibaateysan degaankaas  ee ku  waxyeeloobay fataahada webiga shabeelle uu ka geystay degaankaas iyo Daadadka Roobka .

Degaano badan oo k tirsan gobolka shabeelada Hoose waxaa ka jira dhibaato ay sababeen Daadadka Roobka iyo Fatahaada webiga shabeelle uu ka geystatay gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.