Home Afsomali Weerar Saraakiil katirsan Booliska Kenya lagula beegsaday Xad beenaadka ay la leedahay...

Weerar Saraakiil katirsan Booliska Kenya lagula beegsaday Xad beenaadka ay la leedahay Soomaaliya

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa qarax iyo weerar toos ah waxaa lagula beegsaday wadada Fino-Sheekh Barrow ee magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miinada Nooca lagu Aaso ayaa qabsaday mid kamid ah aadidka ay wateen ciidamada booliska Kenya, waxaana xigay weerar toos ah oo la sheegay in uu uga yimid Saraakiisha Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska Kenya oo la hadlay the-star ayaa sheegay in xilliga la weerarayay ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Fino kuna sii jeedeen dhanka Sheekh Barrow, isla markaana ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha Booliska ay u suurtagashay in ay la dagaalamaan kooxihii weerarka soo qaaday, lamana oga khasaaraha ka dhashay, balse ay iska caabiyen.

Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan oo ay Al-Shabaab weeraro ka geystaan kadibna ay dib uga soo laabtaan.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa ay weeraro isuu jira qaraxyo iyo mid toos ah ka fuliyaan degaannada kuyaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya xilli meelo kamid ah gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.