Home Afsomali Weerar Tooreyo loo adeegsaday oo mar kale ka dhacay gudaha London ee...

Weerar Tooreyo loo adeegsaday oo mar kale ka dhacay gudaha London ee Caasimada Britain UK

london waxa ay kamid tahay magaalooyinka Britain ee weerarada midiyaha ah ay fara ba’an ku hayaan, waxaana todobaadkii tagay oo kaliya mid kamid ah xaafadaha London lagu dilay 4 qof oo dhamaantood loo adeegsaday Midiyo.

Afarta qof ee la dilay ayaa dhamaantood ku noolaa xaafadaha kuyaalla Koonfurta Magaalada London, waxana sidoo kale jiray weeraro kale oo loo adeegsaday tooreey oo iyana ka dhacay Magaalada london iyo goobo ka baxsan.

Ciidamada Booliska Magaalada london ayaa aad loogu dhaliilay inay ka hortegi waayeen weerarada mindiyaha loo adeegsanayo, waxaana walaac uu soo wajahay Soomaalida.

Maxamed Nuur Qalimow oo kamid ah Soomaalida kunool Magaalada london ayaa sheegay in weerarada ay noqdeen kuwo joogtoah, isla markaana y ad Qatar ugu yihiin dhalinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Madoow.

Waxaa uu hadlkiisa u intaasi kudaray in dhalinyarada Soomaalida ah ay weerarada mindiyaha ah la kulmaan xilliyada ay kasoo baxaan Iskuulada, halka qaarkood ay ku biiraan Kooxaha mindiyaha dadka u adeegsada, iyaga oo koox koox ah.

Ciidamada Booliska Magaalada london ayaan weli wax tallaabo ah u qaadin sidii looga hortegi lahaa weerarada mindiyaha ah, waxaana walwalka ugu badan uu heystaa Waalidiinta Carruurtooda ay aadaan waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.