Home Afsomali wiil Aabihii baangad madaxa kaga jaray oo buulo Gaduud lagu qabtay

wiil Aabihii baangad madaxa kaga jaray oo buulo Gaduud lagu qabtay

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa deegaanka Buulo Gaduud ee Jubbada Hoose Wiil Dhalinyaro ah uu ku diley Aabihiis,isaga oo dilkiisa u adeegsaday Baangad oo uu qoorta kaga jarey.

Deegaanka Buulo Gaduud oo 30km u jira Magaalada Kismaayo oo ah halka falkaasi uu ka dhacay ayaa waxaa gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland,kuwaas oo durba gacanta ku dhigey wiilkii Aabihiis qoorta ka jarey.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Aadan Axmed oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dhacdadaas markii lagu soo wargeliyey ay tageen Goobtii uu falka ka dhacay,isla markaana ay gacanta ku dhigeyn Wiilkii Aabihiis dilay xilli uu doonayey in uu baxsado.

Ciidanka oo la weeydiieyey waxa kalifay in uu Wiilkaas Aabihiis dilo,ayuu sheegeen in arrintaasi ay haatan baaritaan ku hayaan

Taliyaha faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin dhacdadaas,balse uu sheegay in iminka ay Gacanta ku hayaan Wiilkii dilka geystay Cadaaaladana lahor-keeni doono.

Dhcdooyinka la xiriira qoor-goynta ayaa bilihii u dambeysay kusoo batay dalka,waxana shalay xaafada Kaawa-Godey qeybta degmada Dharkenley Nin uu qoorta ka jarey Walaalkiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.