Xaalad biyo la’aan ayaa ka taagan Degmooyin katirsan Gobolka Bakool oo ay ugu horreyso Degmada Xuddur, Maamulka Gobolka ayaa sheegay in xaaladdu ay u muuqato mid adag oo u baahan gurmad degdeg ah.
Cumar Daauud Khaliif Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ee arrimaha Gargaarka & Samafalka oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in shuban biyood uu ka dilaacay Degmada Xuddur ee xarunta Bakool.
Culeyska ugu weyn waxa uu saaran yahay Degmooyinka Xuddur & Waajid oo martigeliyay qoysas isaga soo baxay deegaannada go’doonsan, Cumar waxa uu soo jeediyay in laga hortago dhibaatooyinka inta aanay guud ahaan usii gudbin bulshada.
“Xaalad aad u adag ayaa ka taagan Degmada Xuddur, meelaha qaar biyo la’aan ayaa ka jirto, carruurta yar waxaa haleelay shuban biyood, Magaalada Yeed waa sidaas oo kale, ma jirto degmo u gudbeysa degmo kale” sidaasi waxaa yiri Cumar Daauud Khaliif.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ee arrimaha Gargaarka & Samafalka ayaa Xukuumadda Federaalka, DG Koofur Galbeed & Hay’adaha ka dalbaday in ay gacan qabtaan qoysaskaan duruufaha adag wajahaya.
Toban sanno waxaa go’doonsan degmooyinka Gobolka Bakool, Koofur Galbeed waxa ay dhowr jeer ballanqaaday in ay wax ka qabaneyso, qoysas ka barakacay tuulooyin dhowr ah ayaa tagay Degmada Xuddur oo dhaqdhaqaaqa ugu badan uu ka jiro.