Home Afsomali Xaaladihii ugu danbeeyey ee  Magaalada Laas-Caanood iyo dagaal mar kale ka dhcay

Xaaladihii ugu danbeeyey ee  Magaalada Laas-Caanood iyo dagaal mar kale ka dhcay

Wararka ka imaanaya magaaada Lascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan xaaladda  ay degan tahay kadib markii xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.

Dagaalkaasi ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada oo ku beegan Gooja-Cadde uuna billowday xalay fiidkii 9:45 daqiiqo uuna socday muddo 40 daqiiqo ah, sida ay sheegeen dhinaca SSC-da.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudadasi kooban mana jiraan wax war ah oo iska hor’imadkssi ku sabsan oo ka soo baxay dhinaca Somaliland.

Muddo ku dhow laba Bilood ayuu socdaa dagaalka magaalada Laas-Caanood, waxaana dhinacyadu u muuqataa inay weli u diyaarsan yihiin inay dagaalamaan, waxaana fashilmay wada-hadallo lagu doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.