Home Afsomali Xamar waa gacan-galay, Colaad Afka lagu Hurinayo ayaa ka Socota

Xamar waa gacan-galay, Colaad Afka lagu Hurinayo ayaa ka Socota

Xamar waa gacan-galay, Colaad Afka lagu Hurinayo ayaa ka Socota!

Shilke, Zuu iyo xabaddo Af saar ah oo ka soo baxayo afka siyaasiyiinta qaarkood ayaa la maqlayaa, hadallada ay raggaasi jeedinayaan ayaa u muuqda in ay ka mug weyn yihiin rasaasta la isla dhaco xilliga dagaalka.

Hanjabaad, caga-jugleyn iyo in la is ceebeysto ayaa dhaqan cusub laga dhigtay, weerar iyo weerar celis ayaa la isku hayaa, khudbaddo aan waxba la isu reeban ayaa hawada la isu marinayaa, Hebel waa saas, hebel má noqon karyo hebel iyo ereyo la mid ah ayaa si xishood-darro ah la isugu garaacayaa!

Shirrar kuwii ugu liitay ayaa maalmihii lá soo dhaafay lagu qabtay Muqdisho, wax isma dhaanto ayay ahaayeen, koox walba dabkeeda ayay shidanaysay, Dan gaar ah nooyee Dan guud shirrarkaas kama muuqan!

Argagax ayay shacbiga ku rideen khudbadihii shirrarkaas laga jeediyay, rag colaad ba’an isu qaba ayaa shirrarkaasi isugu jawaabay, hadallo u ekaa Qaxwo Qaraar ayaa fagaarayaashaasi laga afuufay, Af qabiil ayay koox kasta ku hadlaysay!

Caqli má muuqdo, garasho waa luntay, degganaan ma jirto, hebel iska dhici ayaa meel walba lala taagan yahay, taariikh xumo ayaa qormayso, xilliga lagu jiro mid ka xun Soomaaliya má soo marin tobankii sanno ee ugu dambaysay.

Arimaha socda haddii aan laga fiirsan, waxaa suuragal inay keenaan wax aan lagu tashan, Soomaaliya waxaa laga cabsi qabaa in ay dib u laabato haddii aan laga heshiin waxyaabaha la isku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.